KA QEYBGALKA & MAS’UULIYAD KA DHAAFISTA | SIIDEYNTA SAWIRKA
HESHIISKA KA QEYBQAADASHADA IYO MAS’UULIYAD QAADASHADA/MAGDHOWGA
Garowsiga Khatarada. Kaqeybgale ahaan ama waalidka/mas’uulka canuga hoos ku xusan, waxaan garowsanahay in kaqeybgalka Camp Fire Minnesota uu ku lug yeelanayo khataro la ogyahay iyo kuwo aan la filaynin kuwaasoo ay ka dhalan karto dhaawac jireed ama shucuureed, baralis ama naafonimo joogto ah, dhimasho, iyo waxyeelo hanti shakhsiyeed. Khataraha waxaa ka mid ah, laakiin aanay ku koobneyn, lafo jabid, seedo murux ama dhaawacyo kale oo ka dhasha kufida ama ku dhicida ka qaybgalayaasha kale; dhimasho ka dhalatay ku qarqidda biyaha ama dhaawac maskaxeed oo ka dhasha ku sigashada ku qarqidda barkadaha biyaha dabaasha ama biyaha kale; xaaladaha caafimaad ee ka dhasha waxqabad jireed; soo gaarista cudurada la isu gudbiyo oo uu ku jiro COVID-19; iyo dhar ama hanti kale oo waxyeelo soo gaarto. Waxaan fahansanahay khataraha noocaas ah in aan si fudud loo tirtiri karin, in kasta oo la adeegsanayo aaladaha badbaadada, iyada oo aan khatar la galin tayada aasaasiga ah ee howlaha. Waxaan si cad u aqbalay una qaatay dhamaan halisaha laga dhaxlo hawshan ama ay sababi karto dayacaada Camp Fire Minnesota. Waxaan fahamsanahay in khatarada noocaan ah ay hoos imaanayaan Ka Dhaafista Mas’uuliyadeed ee hoose.
Kaqaybqaadashadayda ama kaqeybgalka ilmahayga ee waxqabadkani waa ikhtiyaari cad waana dooranayaa in aan kaqaybqaato iyada oo halistaa ay leedahay. Kadib la-tashiga caafimaad ee ku habboon, waxaan halkan ku cadeynayaa in canuggayga ama aniga aan si buuxdo karti ugu leenahay ka qaybgalka hawlahan. Haddii ay dhacdo xaalad deg-deg ah, waxaan fasax u siinayaa daawaynta shaqaalaha iskuulka/kooxda, shaqaalaha ka hawl gala Camp Fire Minnesota iyo shaqaalaha caafimaadka degdegga ah.
Haddii barnaamijka Camp Fire ee canugeyga uu ku lug yeesho in gaadiid lagu qaado, waxaan u fasaxayaa Camp Fire Minnesota inay canugeyga ku safriyaan shirkad ay leeyihiin ama gaari lasoo kireeyey.
Waxaan soo bandhigayaa inaan haysto caymis igu filan si aan u daboolo wixii dhaawac ama waxyeelo ah ee ilmahayga ama aniga soo gaara ama aan u dhibtoon karno ama sababi kara inta aan ka qayb qaadanayno hawshan, ama haddii kale waxaan oggolahay inaan dusha saarto kharashka dhaawacaas oo kale ama waxyeelo naftayda soo gaarta. Waxaan kaloo wakiil ka ahay in cunugeyga ama aniga aanan qabin xaalad caafimaad ama mid jireed oo faragalin ku yeelan karta badbaadada hawshan, ama haddii kale waxaan diyaar u ahay inaan qaato – oo aan qaado kharashyada – dhammaan halista laga abuuri karo, si toos ah ama si dadban, xaaladdan oo kale.
Mas’uuliyad Ka Dhaafista. Waxaan halkan si ikhtiyaari ah u bixinayaa, weligayna u fasaxayaa, oo aan ku raacsanahay in aan magdhow siiyo oo aan qaan u qabsan Camp Fire Minnesota, oo ay ku jiraan agaasimayaasheeda, saraakiisheeda, shaqaalaheeda, wakiillada, mutadawiciinta, ka-qaybgalayaasha, iyo dhammaan dadka kale ama hay'adaha u metelaya (“Darafyada Laga Dhaafay Mas’uuliyadda”) mid kasta iyo dhammaan dacwadaha, dalabyada, ama sababaha tallaabo ka qaadista nooc kasto oo ah dhaawacyo, jirro, ama qasaaro kale ee si kasta ugu xiran ka qeybqaadashadayda ama ka qeybqaadashada canugeyga ee hawshan, gaadiidka lagu tagayo loogana soo laabanayo waxqabadka, ama isticmaalka aniga ama canugeyga ee agabkooda ama tas-hiilaadkooda, oo ay ku jiraan sheegashooyin kasta oo noocaas ah oo ka dhasha dayacaadda Darafka Laga Dhaafay Mas’uuliyadda. Ka dhaafistani ma khuseyso sheegashooyinka ka dhanka ah Darafka Laga Dhaafay Mas’uuliyadda dhaqan xumadooda ula kaca ama taxadar la’aanta ah. Haddii Camp Fire Minnesota ama qofkasta oo matalaya wakiilkeeda looga baahdo inuu bixiyo khidmadaha iyo kharashyada qareen si loo dhaqangeliyo heshiiskan, aniga, iyo hantideydu, waxaan oggolahay in aan magdhabo oo aan u qabsan qaanta dhammaan khidmadaha iyo kharashyada noocaas ah. Ka dhaafistani waa in la fasiraa oo loo dhaqangeliyaa sida uu qabo sharciga Minnesota.
SIIDEYNTA SAWIRKA & WARBAAHINTA
Waxaan fahamsanahay in Camp Fire Minnesota ay qaadi karto muuqaal & cod duuban iyo sawirada ka qeybgalayaasha ku taxan foomkan. Kuwani waxaa loo isticmaali karaa webseedka Camp Fire, baraha bulshada (sida Facebook) iyo daabacaadaha dhexdooda. Si aad uga noqoto siideyntani, waa inaad iimayl u dirtaa info@campfiremn.org adigoo ciwaan uga dhigaya “Photo Release (Siideynta Sawirka).”
Waxaan haystay waqti igu filan oo aan ku akhriyo dukumiintigan oo dhan oo, haddii aan doorto in aan sidaa sameeyo, waxaan kala tashanayaa latalin sharci kahor inta aan saxiixin. Waxaan fahamsanahay in markaan saxiixo Siidayntan, inaan wareejinayo xuquuqo sharciyeed. Sidoo kale, waxaan fahamsanahay in howshan aan la ii heli karin haddii aan doorto in aanan saxiixin siidayntan. Waan akhriyey oo fahmay dukumiintigan, waxaana oggolahay in aan u hoggaansamo qodabadiisa.